Wasiir Goodax oo guul u rajeeyay ardayda u fadhiisaneysa imtixaanka shahaadiga

Date:

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ardayda maanta u fariisaneysa imtixaanka shahaadiga ee Qaranka u rajeeyay guul iyo natiijo ay ku farxaan.
“Annigoo ku hadlaya magaceyga iyo magaca waalidiinta Soomaaliyeed,waxaan dhammaan ubaxa Soomaaliyeed ee imtixaanka Qaranka u fadhiisaneysa u rajeynaa guul iyo natiijo ay ku farxaan”ayuu yiri wasiir Goodax.
Wasiirka waxbarashada XFS ayaa ardayda ku tilmaamay rajada dalka iyo dadka Soomaaliyeed wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in ardaydu ay ku dadaalaan tacliinta si dalku uu u noqdo mid horumar weyn gaara.
Magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka ayaa maanta looga fadhiisanayaa imtixaanka shahaadiga dugsiga sare oo ay sannadkii lixaad ay qaadeyso dowladda Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...