Diyaarad U-Rarneyd Amison Oo Ku Gubatay Baladweyne+Sawirro

Date:

Diyaarad ka diiwaan gashan dalka Kenya ayaa maanta ku gubatay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ayaa waxaana laga badbaadiyay sadax ruux oo saarnaa in kasta oo dhaawacyo ay soo gaareen.
Diyaaradda oo ka soo duushay dalka Jabuuti ayaa u siday raashin ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Amisom,taasi oo ay ugu tala galeen dadkii ay saameynta ku yeesheen daadadkii Beledweyne waxaana gabi ahaanba ku gubtay diyaaradda raashinkaas.
Sababta dhalisay dabka diyaaradda ka kacay ayaa lagu sheegay in diyaaraddu markii ay soo caga dhigatay mid ka mid ah taayirada uu u baxay taas oo keentay in ay ka baxdo dhabaha diyaaraduhu ku ordaan isla markaana dab qabsaday sida uu Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay Col Isaaq Cali Cabdulle taliyaha qeybta booliiska gobolka Hiiraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo booqday Xarunta Qaran ee TUBSAN

Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe,...

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo u baxay joojinta colaadda ka taagan magaalada Jalalaqsi

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...