Guddiga Madaxa-Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Oo La Kulmay Xisbiyada Loo Diiwaangeliyay Si KMG Ah. ”Sawirro”.

Date:

Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta kulan kula qaatay Xisbiyada sida ku meel gaarka ah u diwaangashan gudaha magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Kulanka oo u jeedadiisa ahayd is xog wareysi u dhaxeeyo labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray sidii xisbiyada hadda jira ay u qaadan lahaayeen Shahaadada rasmiga ah.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil ayaa furtay kulanka iyadoo ku dheeratay hawlaha Guddiga ee ku aaddan Xisbiyada sida KMG u diiwaangashan, Guddoomiye Xaliima ayaa sheegtay in dadaal geliyeen sidii lagu heli lahaa Sharciga xisbiyada iyo shuruucda kale ee doorashada.

Sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Banaan ee Doorashooyinka ayaa ka codsatay in Xisbiyadu ay muujiyaan midnimo iyo wadajir si dalka uu uga baxo nidaamka doorashooyinka dedban, iyadoo sidoo kale sheegtay in loo baahan yahay in ay qabsoonto doorasho qof iyo cod oo la mid ah tii ka dhacday dalka muddo haatan laga joogo 50-sanadood.

Ugu dambeyntii Xisbiyada ka soo qayb galay kulanka ayaa su’aalo waydiiyay Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...