Madaxa Waxbarashada Ceel-Berde Oo Sheegay in Sanadkii 1-aad Dalku Ka Dhaqangelayo Imtixaan Loo Dhanyahay “Dhageyso”

Date:

Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Ceel-Berde mudane, Maxamed Sheekh Xuseen Xaaji Oo u waramayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in qabashada Imtixaankan sanad dugsiyeedka ee Shahaadiga uu ka duwanyahay kuwii hore maxaayeelay waa imtixaan loo dhanyahay oo juhdi iyo dadaal badan ay gelisay wasaaradda Waxbarashada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Waxbarashada ee Heer maamul Gobaleed, si dalka looga hirgeliyo manhajka loo dhanyahay oo mid ah.

Maxamed Sheekh Xuseen ayaa sheegay in ay todobaadyada soo socda ay ka sugayaan Wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed in ay u gudbiso imtixaanka si ay ardayda degmada Ceelberde ugu fadhiistaan imtixaanka.

Degmada Ceelberde ayaa ka mid ah Degmooyinka Gobalka Bakool ee Ismaamul Gobaleedka Koonfur Galbeed halkaasi Waxaa dhowaan Booqday Wasiirka Waxbarashada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Casiis Goodax Bare oo halkaasi Soo dhagax dhigay dhismihii ugu horreeyay ee Xarun Dugsi sare oo ay degmadu baahi weyn u qabtay.

SI AAD UGA BOGATO DHAGEYSO WAREYSIGA KU DHUFO LINK-GAN

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...