Laamaha ammaanka oo bilaabay baaritaanka qarixii saaka ka dhacay laanta canshuuraha

Date:

gaarigan laga soo buuxiyay walxaxa qarxa ayaa saaka ka dhacay  iridka hore ee xarunta laanta canshuuraha oo ku taala degmada Xamar-Jajab gaar agaanka soo horjeedka dekedda Muqdisho.

Weli khasaaraha si rasmi ah laama xaqiijin karo,balse wariyeyaasheena oo goobta tagay ayaa soo sheegaya in khasaare dhaawac ah uu jiro, laamaha ammaankuna aan weli u soo bandhigin warbaahinta.

Hay’adaha ammaanka ayaa ku howlan baaritaanka nuuca uu ahaa gaariga qarxay iyo sida falka uu u dhacay, amaanka ayaa aad loo adkeeyay.

Afhayeenka wasaaradda Warfaafinta Ismaaciil Mukhtaar Cumar ayàa si kooban u sharaxay sida ay wax u dheceen.

“Xarunta Laanta Ilaalada Canshuurta ayuu qaraxa ka dhacay, Koontaroolka Kowaad ayuu dhaafay, midka labaad markii la joojiyay ayuu qarxay, hadda waxaa la dalbay ciidamada baara haraadiga walxaha qarxa dhaawacyo ayaa goobta laga qaaday wixii kale ee macluumaad ah waan sii wadaageynaa”.ayuu yiri (Oranjo).

“Target-ka Gaariga Qarxay wuxuu ahaa Xarunta Ilaalada Canshuuraha, xoog ayuu ku dhaafay Koontaroolka Kowaad, rasaas ayaa lagu furay, wuuna qarxay, dhaawacyo ayaa jira, illaa hadda dhimasho lama soo sheegin”. Ayuu intaasi ku daray Afhayeenka wasaaradda Ismaaciil Oranjo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirro ka tirsan XFS oo sagootiyay xujeydii ugu horraysay ee Soomaaliyeed ee Sanadkaan

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd garoonka...

Wasaaradda Shaqada XFS oo heshiis shaqo abuur ah la saxiixatay dalka Qatar 

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah oo la kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda...