Guddoomiyaha Aqalka Hoose Oo Ka Digay U Wareejinta Kuraasta Xildhibaannada Deegaan Aysan Laheyn Beesha

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sh.C/raxmaan ooย  ka hadlay doodii xeerka astaynta kuraasta,ayaa ka digay in kuraasta loo wareejinayo gobollada aysan deganeyn beeshii laheyd ay keeni karto in ayย  lumaan kuraastaasi.

โ€œKuraasta waxaa loogu tala galay in dhamaan shacabka Soomaaliyeed ay u tartamaan, adiga waxaa laga yaabaa in kursiga inta aad qaado oo geyso meel aysan deganeyn bulshada iska leh kursigaas, adigana lagaa tira badan yahay,ay suurtogal tahay in lagaaga guuleystoโ€ ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa sheegay in ciladdaasi ay ku soo noqon doonto dadkii kursigaas iska lahaa, taasina ay u baahantahay in laga fekero inta aysan dhicin.

Guddoomiyaha oo si gaar ah ula hadlaayey xildhibaanada, ayaa ku baaqay kuraasta ay ku fadhiyaan xildhibaanada aan loo wareejin gobol aysan degin beeshiishii laheyd kursigaasi , isagoo uga digay in kursigaas uu marka dambe lumi doono.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...