Ciidanka XD Oo Gacanta Ku Dhigay Gaari Walxaha Qarxo Laga Soo Buuxiyey Iyo Darawalkii Waday.

Date:

Ururka Danab ee qeybta 21-aad Ciidamada Xoogga Dalka ayaa goordhow ku qabtay magaalada Gaalkacyo gaari noociisu yahay Noah kaas oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo darawalkii waday.

Ma jiraan wali wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka Amniga gaar ahaan kuwa ururka Danab ee fadhigoodu yahay magaalada Gaalkacyo, ciidamada Amniga Qaranka ee ka howl gala Gobalka Mudug ayaa muddooyinkii u danbeeyay waday howlgalo ka dhan ah argagixisada si loo sugo amniga iyagoo guullo la taaban karo Ka gaaray todabaadyadii u danbeeyay olalaha la dagaalanka argagixisada.

Dhinaca kale Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa Qeybta 21-aad ayaa saaka fashilayay weerar naf la caarinimo oo kooxda argagixisada ay ku qaadeen xero taliska qeybta ay ku leeyihiin afaafka hore ee deegaanka Bacaadweyne ee Bariga Gobalka Mudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha

Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (National Climate Fund –...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee...