Shirka Wadatashiga Hindise Sharciyeedka Korontada Oo Weli Socda.

Date:

Shirka Wadatashiga hindise sharciyeedka korontada oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Tamarta Iyo Kheyraadka Biyaha ee XF Soomaaliya ayaa maalintii 2-aad galay iyadoo shirka diirada lagu saarayo sidii qodobadii horey looga dooday looga sii hadli lahaa.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasaarada Tamarta iyo Biyaha Ee Dowlad Goballeedyada, Gobalka Banaadir Iyo Shirkadaha Korontada ee Shaqsiyaadka Gaarka, iyo macaamiisha iyadoo muhiimaddu shirka ay tahay in la derso dhammaan caqabadaha iyo baahiyaha aas aasiga ee Qiimaha korontada iyo in gaarsiiyo dalka oo dhan.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh oo shirka furtay ayaa sheegtay in dhammaan qodobada iyo aragtida la qaadayo laguna darayo qabyo qoraalka hindise sharciyeedka iyadoo horaanta bisha soo socoto markale layskugu imaan doono shirkale si loo soo afjaro.

shirka ayaa mudada uu socdo waxaa looga hadlayaa arrimaha maalgashiga shirkadaha dadka Soomaaliyeed Iyo Ganacsiga Shirkadaha Ajaanibta oo ka mid ah dhaqaalaha dalkeynu uu u baahan yahay iyadoo tallaabooyinkaasi ay hirgeli karaan kadib marka loo helo sharci lagu kala hago.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...