Baarlamaanka Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku bogaadiyey Madaxweyne Farmaajo Shirkii Dhab u heshiisiinta DFS iyo Soomaaliland

Date:

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Dr. Yuusuf Al-Cuseymiin ayaa boogaadiyay Shirkii Dhab u heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland, isaga oo sheegay in ay horseeday heshiis dhexmaray labada dhinac oo suurtagaliyey in la sameeyo guddi farsamo oo isku dhaf ah kuwaas oo sii amba qaada wadahadalada isla markaasna dabagal ku sameeya qodobbada muhiimka ah ee wali harsan.

Dr. Alcuseymiin ayaa soo dhaweeyay sida ay uga go’an tahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in la xalliyo arrinta Soomaaliland, waxa uuna sheegay in ay qeyb muhiim ah ka qaadanayso kor u qaadista nabadda iyo horumarka Gobolka.

Sidoo kale, waxa uu uga mahad celiyey Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle martigalinta wadahadalladan, isaga oo muujiyey sida ay u garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalalka Carabta Dr. Mishcal Al-suleymi ayaa ku dhiirri geliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya in ay sii amba qaadaan wadahadallada dhab u heshiisiinta oo horseedaya horumarka iyo dib u kabashada Soomaaliya.

Dr.Mishcal ayaa adkeeyey sida ay uga go’an tahay dalalka Jaamacadda Carabta in ay gacan ka geystaan xasillonida iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay masiibadii 14-kii Oktoobar

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada oo sheegay in da’yartu ay yihiin furaha mustaqbalka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee XFS, Mudane Maxamed...

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement...