Ciidamada DFS Oo Fashiliyey Weerar Ismiidaamin Oo Ay Soo Qaadeen Maleeshiyaadka Argagixisada.

Date:

Ciidanka Xooga Dalka ayaa Fashiliyey weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo saakay waabirigii hore ay  ku soo qaadeen Maleeshiyaadka Kooxda Alshabaab Saldhiga  qeybta 21-aad ee Xoogga Dalka ka degan  yihiin Deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Galgaduud.

Maleeshiyaadka Argagixasadda ayaa weerarka u adeegsaday gaari nuuca loo Layla Calaawe ama Land ruser oo ah gawaarida inta badan loo adeegsado Safarradda Goboladda Dalka.

Ciidanka Xooga ayaa ka war helay dhagarta kooxda Alshabaab ay la damacsanaayeen Saldhiga Qeybta 21aad ee Degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Galgaduud waxaana ay ku fureen risaas taas oo keentay inuu qarxo gaarigii sidaasna ay ugu dhamaadeen Dhagar qabayaashii weerarka soo qaaday.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug ayaa sheegay  in weerarkaas ay ku shahiideen Alle ha u naxariistee labo Askari oo ahaa naftii hurayaashii is hortaagay dhagarta ay damacsanaayeen Maleeshiyaadka argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...