Shirka Isku Xirka Laamaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Looga Hadlay Qodobo Dhowr Ah

Date:

Agaasimaha guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col.Maxamed Aadan Koofi ayaa maanta furay Shirka Isku xirka Howlaha Laamaha iyo Xaafiisyada Hey’adda oo lagu qabtay nidaamka Fogaan aragga (Video Conference).

Agaasimaha Guud ee HSJ oo ugu horeyn shirka furay ayaa sharaxay ujeedada shirkaan loo qabto isagoo xusay in shirka isku xirka howlaha HSJ uu yahay shir 3-dii biloodba mar la qabto, Islamarkaana diiradda lagu saaro waxqabadka Hey’adda, caqabadaha ee Sedaxdii bilood ee la soo dhaafey iyo sidoo kale ansixinta qorashaha shaqo ee sadexda bilood ee soo socota.

Sidoo kale waxaa warbixin howleedka sadexdii bilood ee la soo dhaafay iyo qorshaha shaqo ee 3-da bilood ee soo socota shirka ku soo bandhigay loogana dhegeystay Agaasime waaxeedyada iyo masuuliyiinta laamaha ay Hey’addu ee ka howlgala Gobolada. Inkasta oo COVID19 saameyn ku yeeshey howlaha hay’adda hadana madaxda shirka ka qeybgashey dhamaantood ayaa muujiyay in inta badan qorsheyaashii hay’adda ee sedaxdii bilood ay fuleen.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa 3-dii bilood ee ugu danbeysay gudaheeda lagu soo kordhiyay Xafiisyo cusub ee Baasaboorka laga bixiyo kuwaas oo laga furay Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay iyo Safaaradda Soomaaliya Switzerland ee Geneva, Xafiisyadaas cusub ayaa u adeegi doono Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee baahida u qabo helidda Baasaboorka Soomaaliya. Sidoo kale Hey’adda ayaa 3-dii bil ee ugu dambeyso hormarin iyo casriyeyn ku sameysay habka qaadashada Baasaboorka. Dhinaca kale saraakiisha iyo howlwadeenada hay’adda ayaa ka qeybqaatey howlihii gurmadka ee daadadkii saameeyey gobolada qaar.

Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee HSJ Col. Maxamed Aadan Koofi oo shirka soo xiray ayaa Agaasimayaasha laamaha, Waaxyaha iyo madaxda Xafiisyada kula dardaarmay in ay waajibkooda u gutaan isla markaana fuliyaan habraacyada Caafimaadka ay soo saaraan Hey’adaha Caafimaadka dalka si looga hortago Faafitaanka Cudurka safmarka ah ee COVID-19. Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale xusay in Wadamada caalamka ay dib u furayaan adeegyadooda Socdaalka ka hey’ad ahaanna loo baahanyahay in loo diyaar garoobo dib u furidda adeegyada ay hay’addu bixiso.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aqoon kororsi u furay Xildhibaannada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Kulan looga hadlay xoojinta amniga ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo

Hoggaamiyaha Kumeel-gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane...

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duqeyn Qorsheysan Ka Fuliyay Deegaanka Ugunji ee Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...