Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Dibadda Ku Xanibnaa Oo Ay Dowladda Soomaaliya U Fududeysay Imaatinkooda Dalka +sawirro

Date:

Diyaaradda Daallo ayaa maanta markii shanaad keentay muwaadiniin ku xayirnaa dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya kuwaa oo ka koobnaa 15 Haween ah, 6 caruur iyo sidoo kale 54 rag ah oo u badnaa dhalinyaro taasi oo tirada maanta la keenay ka dhigtay 75 ruux halka sidoo kale ay la soceen 50 muwaadin oo aanan aheyd dad tarxiil ah marka laysku geeyo guud ahaan waana 125 ruux.
Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabeysay cabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka dibaddiisa ayaa waxa ay dalalka Turkiga,Kenya,iyo Sacuudiga ka keentay muwaadiniin ku xanibnaa waxaana ay ka dambeysay ka dib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalia Maxamed Cabdullaahi farmaajo uu amray in guud ahaan dadka ku xayiran wadamada caalamka dalka dib loogu soo celiyo.
Tan iyo markii uu cudurka safmarka ee Covid-19 oo dunida ku faafay waxaa hakad galay dhammaan isku socodka dunida waxaana ilaa iyo hada ay tirada muwaadiniinta ay dowladda dalka keentay ay gaartay 581.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...