Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo La Dardaarmay Garsoorayaal Xilalkooda Loo Dhaariyay.

Date:

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan Baashe Yuusf Axmed, ayaa la dardaarmay garsoorayaal la dhaariyay maanta oo ka howl gelaya maxkamadaha degmooyinka gobalka Banaadir, maxkamadda gobalka iyo maxkamadda racfaanka Gobalka.

Garyaqaan Baashe Yuusf Axmed, ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay dhammeystirka dadaalladii waqtiga dheer soo socday ee hagaajinta garsoorka iyo guddiyadii kala duwanaa ee imtixaanaadka ku kala saaray ku dhawaad 2,000 oo qof oo soo codsaday shaqooyin la xayeysiisay oo kala ahaa garsoorayaal iyo kaaliyaal maxkamadeed.

Guddoomiyaha ayaa caddeeyay in hadafka ugu weyn uu ahaa helitaanka Garsoor hufan, madax bannaan, dhexdhexaad ah, karti leh, sumcad leh, ku shaqeeya mabaa’diida shareecada Islaamka, dastuurka iyo qawaaniinta dalka oo dhowra xaquuqda aadanaha iyo xaquuqda mawaadiniinta Soomaaliyeed, si taa loo helana ay lagama maarmaan aheyd in iridda garsoorka laga soo galayo ay noqoto caddaalad, daah furan, kana madax bannaan eex, qaraabo kiil iyo qabyaalad.

Garsoorayaasha maanta la dhaariyay oo ka mid ah 40 garsoore oo tartankaas adag ku soo baxay, ayuu guddoomiyuhu kula dardaamay inay dadka ula dhaqmaan sidii ay jeclaayeen in loola dhaqmo xilligii ay imtixaanka u gelayeen shaqada, kana shaqeeyaan soo celinta sharafta iyo karaamada garsoorka oo dib u yagleelaan garsoor loo simanyahay oo ay dadka ugu shaqeeyaan sida caddaaladda ah ee iyagu ku yimaadeen, si garsoorku u noqdo xudunta muraayadda dowladnimada

Garyaqaan Baashe Yuusf Axmed waxuu xasuusiyay garsoorayaasha cusub inaan loo dul qaadan doonin musuq, uuna jiri doono Isla xisaabtan lagana doonayo inay hoggaan u noqdaan, waxuuna u ballan qaaday in sare loo qaadayo aqoontooda oo la siinayo tababarro dheeraad ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Qatar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane...

Soomaaliya iyo Malaysia oo kala saxiixday heshiisyo la xariira dhijitaalka iyo Amni Internet

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ee Soomaaliya ayaa laba Heshiis...

Shacabka Degmada Dayniile oo si weyn ugu dareeray saakay Is-Diiwaangelinta Doorashada

Shacabka degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa saaka si...