Madaxweyne Waare Oo Shaqaale La Dilay U Xilsaaray Guddi Wasiiro Iyo Xildhibaanno Isagu Jira.

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood, kuwaasi oo baaritaanno ku soo sameynaya falkii 28-kii bishan lagu xasuuqay shaqaale caafimaad oo ka howlgalayay xarun caafimaad oo ku taala Tuulada Golaley degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wareegto ka soo baxda xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle, halka ku-xigeen looga dhigay Wasiirka Cadaaladda, waxaana guddiga oo isuga jira, Wasiiro, Xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe loo qabtay in muddo 30 cisho gudahood ay ku soo dhameeyeen baarista la xiriirta falka arxan darada ahaa ee lagu dilay sideed dhallinyaro ah.

Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Waare ayaa tilmaamay in falka ka dhacay Golaley ay tahay mid ka baxsan beni’aadanimada iyo Soomaalinimada, loona baahanyahay in si deg deg ah looga jawaab celiyo ciddii falkaasi ka dambeysay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...