Madaxweynaha Puntland Oo Ka Hadlay Geerida Wasiirkii Deegaanka, Beeraha Iyo Isbedelka Cimilada

Date:

Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay Geerida Wasiirkii Degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo ku geeriyooday manta Magaalada Muqdisho.

“Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda, kan Shacabka Puntland & keygaba, waxaan ka tacsiyaynayaa Geerida Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu madaxweyne Deni sheegay in Wasiir Gama’diid uu ka mid ahaa aqoonyahanada Puntland ee ka tirsanaa Golaha Wasiirada oo runtii shaqo wanaagsan u hayey dalka iyo dadka.

Madaxweyne Puntland ayaa xusay inuu tiiraanyada Geerida Wasiirka la qaybsanayo Goleyaasha maamulkiisa gaar ahaan golaha xukuumadda, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay marxuumkaasi,wuxuuna Alle uga baryay inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna ka siiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...