WHO Oo Ku Dhawaaqday In Xanuunka Corona Virus-Ka Uu Ku Si Fidayo Koonfurta Ameerika

Date:

Tirada xaaladaha la xaqiijiyay ee cudurka Corona Virus ee adduunka ayaa kor u dhaafay 5.3 milyan, xilli Ururka Caafimaadka Adduunka uu ku dhawaaqay in maalmahii danbe cudurkan uu si xowli ah ugu faafayay Koonfurta Ameerika, iyada oo laga tixraacayo xaaladda halista ah ee ka jira dalka Brazil.

Michael Ryan oo ah sarkaalka gurmadka deg-degga ah u qaabilsan WHO ayaa ka sheegay shir ka dhacay magaalada Geneva in koonfurta Ameerika ay noqotay meel ugub ah oo cudurkan uu ku beermay dhawaan.

“Waxaan aragnaa tirada dadka uu soo ritay xanuunkan in ay ku sii faafayaan dalal badan oo dhaca Koonfurta qaarada Ameerika, waxaan walaaca aan qabno ka mid ah in xanuunkan uu wada sameeyay wadamada Ameerika oo idil.

Dalka Brazil ayaa sida muuqata ah halka ugu badan oo ay si ba’an u saamaysay marka loo eego dalalka kale ee kulaala Laatiin Ameerika.”

Ururka Caafimaadka Adduunku wuxuu cadeeyay in Brazil laga diiwaangeliyay in ka badan 300, 000 oo xaalada cusub ah iyo 19,000 oo dhimasho ah.

“Inta badan kiisaska waxaa laga diiwaangeliyay gobolka São Paulo, laakiin dhimashada ugu badan waxay ka dhacday gobolka Amazon” ayuu yiri markale Michael Ryan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...