WHO Oo Ku Dhawaaqday In Xanuunka Corona Virus-Ka Uu Ku Si Fidayo Koonfurta Ameerika

Date:

Tirada xaaladaha la xaqiijiyay ee cudurka Corona Virus ee adduunka ayaa kor u dhaafay 5.3 milyan, xilli Ururka Caafimaadka Adduunka uu ku dhawaaqay in maalmahii danbe cudurkan uu si xowli ah ugu faafayay Koonfurta Ameerika, iyada oo laga tixraacayo xaaladda halista ah ee ka jira dalka Brazil.

Michael Ryan oo ah sarkaalka gurmadka deg-degga ah u qaabilsan WHO ayaa ka sheegay shir ka dhacay magaalada Geneva in koonfurta Ameerika ay noqotay meel ugub ah oo cudurkan uu ku beermay dhawaan.

“Waxaan aragnaa tirada dadka uu soo ritay xanuunkan in ay ku sii faafayaan dalal badan oo dhaca Koonfurta qaarada Ameerika, waxaan walaaca aan qabno ka mid ah in xanuunkan uu wada sameeyay wadamada Ameerika oo idil.

Dalka Brazil ayaa sida muuqata ah halka ugu badan oo ay si ba’an u saamaysay marka loo eego dalalka kale ee kulaala Laatiin Ameerika.”

Ururka Caafimaadka Adduunku wuxuu cadeeyay in Brazil laga diiwaangeliyay in ka badan 300, 000 oo xaalada cusub ah iyo 19,000 oo dhimasho ah.

“Inta badan kiisaska waxaa laga diiwaangeliyay gobolka São Paulo, laakiin dhimashada ugu badan waxay ka dhacday gobolka Amazon” ayuu yiri markale Michael Ryan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...