Ciidanka Xoogga Oo Howl-gal Ka Sameeyay Deegaano Ka tirsan Gobolka Mudug.

Date:

Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed gaar ahaan kuwa  Danab ayaa xalay Howlgal qorshaysan  waxa ay ka sameeyeen deegaanka Wargalo oo hoostaga Degmo Xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug.

Howl-galkaan ayaa ahaa mid qorsheysan waxa ayna Ciidamada Xoogga ee Danab ay ku qaadeen gooba loo shakisnaa inay ku dhamaaleysanayaan maleeshiyaadka Al-shabaab .

Ciidamada Xoogga dalka ayaana gacanyta ku dhigay hal nin oo looga shakinsanaa inuu ka tirsanyahay argagixisada ka dib markii loo galay guri uu ka degenaa deegaanka .

Inta la xaqiijiyay hal askari oo ka tiran Ciidamada Danab ayaa ku dhaawacmay howl-galka waxaana ganacta lagu dhigay mid ka mid ah kooxihii bartilmaameedka u ahaa Ciidamada.

Howl-galkaan aya ka dhacay deegaanka wargalo oo qiyaastii 70 kiilo mitir dhinaca koofur Barri kaga beegan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa hore howl-gallo uga sameeyay deegaano badan oo hoostaga Degmada Hobyo kuwaasi oo ay ku dhuumaaleysanyeen kooxaha Argagixisada Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ku qabatay xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Waxbarashada oo faray dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda in ay si degdeg ah uga guuraan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga,...

Soomaaliya oo tallaabo u qaaday Nidaamka Xisaab-xirka iyo lacag-bixinta gaadiidka cirka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...