Fatahaadda Shabeelle Oo Saameysay Qiimaha Khudaarta Jowhar+Sawirro

Date:

Qiimaha lagu kala iibsado khudaarta  nuucyadeeda kala duwan ee suuqyada  magaalada Jowhar  ee xarunta Gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa  sare u kac ku yimid ka dib markii  uu saameeyay daadadkii ka dhashay fatahaadda webiga shabeelle  uu ka geystay deegaanno hoostaga degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar.

Xilligan oo kale waxa Beeraha jowhar kasoo go’i jiray dalagyo kala duwan oo ay kamid yihiin khudaarta balse roobkii gu’ga iyo fatahaadda webiga oo is biirsaday ayaa sababay in ay baaba’aan dalagyadii u beernaa beeraleydu.

Gobalka Shabeellaha dhexe ayaa ka mid ah goballada leh beeraha oo ah waxsoosaarka labaad ee dalkeena waana kheyraadka uu alle ku manaystay dalka, haseyeeshee waxaa caqabado kal duwan ay soo wajaheen wax soosaarka beeraha sida fatahaadda iyo amniga darada oo inta badan ka hor istaagtay beeralayda Soomaaliyeed meel kasta oo ay ka joogaan dalka.

Webiyada Shabeelle iyo Jubba oo mara Soomaaliya ayaa xilli isku mid ah fatahaadda uga geysta goballada uu maro iyadoo ay saameyntu waxyeeladeedu inta badan ay soo gaarto dadka beeralayda ah oo dalagyadii ay beerteen ay baabi’iyaan fatahaadda.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...