Howlgal lagu khaarijiyay xubno ka tirsan argagixisada oo ka dhacay Jubbada Dhexe

Date:

Muqdisho:-(SNTV)-Ciidaanka Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaysa Ciidamada Africom ee Mareykanka ayaa howlgal lagu dilay xubno ka tirsan maleeshiyada AL-shabaab ku dilay gobolka Jubbada Dhexe.

Howlgalkaasi oo ahaa duqeyn dhanka cirka ah ayaa lala beegsaday nawaaxiga magaalada Kuunyo Barrow, Duqeyntaas oo lagu dilay 2 (labo) ka tirsan argagaxisada Alshabaab.

howlgalkan ayaa ka qeyb ka ah qorshe Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo isbahaysiga caalamiga ee sii wadidda dagaalka looga takhalusayo argagaxisada quudata dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed..

Dowladda Federaalka iyo bahwadaageeda Mareynkanka ayaa si aad uga taxadara ilaalinta waxyeello soo gaadha dadka rayidka ah inta lagu gudajiro duqeymaha habeysan,Hubintii la sammeeyey ayaa lagu ogaaday in duqeynta imanka dhacday aysan jirin cid shacab ah oo ku dhimatay ama ku ku dhaawacantay.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa sii daciifaysay awoodii maleeshiyada Alshabaab ay u adeegsan jireen dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed,taasi oo ay ka dhiidhiyeen ciidamada Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...