Reer Buulo-burde Oo Dhir Beeris Uga Qeyb Galay Dabaaldagga Munaasabadda 15-Ka Bisha May

Date:

Ururka dhalinyarada dagmada buulo-burte Gobalka hiiraan oo kaashanayo  maamulka dagmada ayaa waxa ay sameeyeen in ay dhir ay ku beeran  qeybo ka mid ah wadooyinka Magaalada taasi oo lagu xusayo maalinta dhalinyarada ee 15-ka may.

Qaar ka mid ah dhalinyarada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isagu soo baxeen qiimaha maalintaan maadaama ay la dhigi Karin munaasabado waa weyn oo dhalinyaradu isugu yimaadaan iyagoo laga cabsi qabo cudurka caalamka dhibaatada ku haayo ee Covid-19.

“maanta waa maalin mudan in guud ahaan shacabka iyo dhalinyarada ay isi soo bax saameeyeen si ay u xasuustaan taariiqdii 13 dhalinyaro ee SYl oo ku leeyihiin dalka iyo halgalkii loo soo maray xurnimada aan ku naalooneyno iyo qaranka aan heysano sidaas ayaana isugu soo baxnay iyada uu dalka kala xiranyahay”Sidaas waxaa yiri qaar ka mid dhalinyarad oo warbaahinta la hadlay.

Dhalinyaradaan ayaa sidoo kale ku boorriyay in laga wado qeyb-qaato ololaha wacyigalinta  Cudurka sarfmareenka ah ee Karoona Feyrus waxaana ay bulshada ugu baaqeen in la qaato fariimaha bahda caafimaadka .

15 May1943 –oo laga joogo 77-sano maanta oo kale ayay ku beegantahay aas-aaska  ururka dhalinyarada SYL ee kalinta weyn ka qaatay xoriyada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha

Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (National Climate Fund –...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee...