Akhriso: Nuxurka Ku Jira Khudbadda Madaxweynaha JFS Ee Xuska 15 May 77-Guuradii Ka Soo Wareegatay Aas-Aaskii Syl+Sawirro

Date:

Madaxweynaha Jamh.Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Dhallinyarada Soomaaliyeed u diray Farriin ku saabsan Sannad-guurada 77-aad ee Aas-aaskii Golihii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL) ee horseeday xornimada dalka ayaa dul istaagay tilmaamaha furaha u ah guusha ay gaarsiiyeen dalka 13-kaas dhallinyarada ahaa oo baal dahab ah kaga jira sooyaalka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isku duubnida, dhabar adayga, waddaniyadda iyo ka fogaanta qabyaaladda ee ay ku sifoobeen halyeeyada SYL ay sabab u noqotay xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa taabagalinta dal xor ah iyo dowlad shacabkeeda ay ku faanaan oo karaamo iyo sharaf ku leh ummadaha kale ee dunida.

“Halyeeyadii SYL waxa ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka dadkeenna Soomaaliyeed, jiil walba oo inaga mid ah waxaa waajib ku ah in uu dhaxalsiiyo jiilka xiga xusuustooda, halgankooda, taariikhdooda iyo diiwaanka maamuuskooda.”

Madaxweynaha ayaa muujiyey caqabadihii waaweynaa ee hortaagnaa riyada Dhallinyarada SYL kuwaas oo ay ka mid ahayd qorshihii Gumeystaha ee ku dhisnaa hab qabiileysan in uu u kala qeybiyo Umaddan walaalaha ah, arrinkaas oo u adeegayey danaha cadawga, iyada oo jahli lagu hayo ummadda, aqoontana loo diido, dhaqaalahana lagala dagaalo, koox yar oo fikirka shisheeye u adeegtana laga dhex sameeyey dadka Soomaaliyeed.

“SYL kuma muteysan maamuuskaas kaliya in ay dadka Soomaaliyeed ka dulqaadeen heeryada gumeystaha, una horseedeen gobanimo buuxda, balse waxa ay ku muteysteen in caqabadaha waaweyn iyo jilaafooyinka ay ka soo gudbiyaan halganka dheeraa ee gobanimo-doonka”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dul istaagay xaaladihii adkaa ee ay dhaxashay Dowladda uu hoggaaminayo oo ay ka mid ahayd hannaankii dhaqaale ee aadka u hooseeyey, daymo tiro badan oo culeys ku hayey horumarka dalkeenna, xaalad adag oo ay ku noolaayeen kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo qaarkood ay ku dhibaateysnaayeen xabsiyo shisheeye iyo xarumo qaxooti ayaa soo bandhigay guulaha taariikhiga ah ee Dowladdu ay ku wajahday caqabadahaas iyo ifafaalaha maanta muuqda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay maanta ka qaadanayaan horumarinta dalka, hoggaaminta Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada naf hurnimada leh ee ay bixinayaan halyeeyada Bahda Caafimaadka oo dhallinyaro u badan, kuwaas oo naftooda iyo noloshoodaba u huray sidii ay dadkooda uga samata bixin lahaayeen cudurka COVID-19.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tusaaleeyey casharka taariikhiga ah ee ku jira midnimada iyo wada jirka ay lahaayeen Xisbiyada ama ururrada Dhallinyaro ee ka kala dhisnaa Gobolada Koonfurta iyo Gobolada Waqooyi ee dalka, kuwaas oo waddaniyad iyo walaaltinimo ku fashiliyey qorshihii Gumeystaha ee kala qeybinta dalkeenna iyo dadkeenna.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...