R/Wasaaraha Oo Dhallinyarada Uga Mahadceliyay Kaalintooda La Dagaallanka Covid19 Iyo Fatahaadaha

Date:

R/Wasaaraha Oo Dhallinyarada Uga Mahadceliyay Kaalintooda La Dagaallanka Covid19 Iyo Fatahaadaha

R/Wasaaraha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May oo ku astaysan maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

R/Wasaaraha ayaa dhallinyarada ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaadanayaan dib-u-dhiska dalka, la dagaallanka iyo kahor tagga Feyruska Karoona iyo gurmadka Fatahaadaha.

โ€œWaxaan dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa munaasabadda 77 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaska ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYLโ€, ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

โ€œWaxaan uga mahad celinayaa dhallinyarada Soomaaliyeed dowrka wax ku oolka ah oo ay ka qaataan dib-u-dhiska dalka. Waxaan si gaar ah uga mahad celinayaa milkiilayaasha dalka dowrkooda ku aaddan la dagaallanka Covid19 iyo la tacaalidda fatahaadaha.โ€, ayuu raaciyay Raโ€™iisul wasaaruhu.

Sannadkii 1943-dii ayaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo 13 ah waxa ay aasaaseen ururkii gobannimo doonka ee SYL oo horseed u noqday xornimada uu dalkeennu maanta ku naaloonayo, waxaana maanta loo dabbaal degayaa 77 sano guuradii ka soo wareegatay aasaaskii ururkaas.

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...