Guddoomiyeyaasha Labada Aqal Ee Baarlamaanka Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay “Sawirro”

Date:

Wafdiga oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Mudane Maxamed Mursal Sh.C/raxmaan iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee baarlamaanka ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho iyadoo ay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ay si diiran ugu soo dhoweeyeen Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale wafdiga waxaa qeyb ka ahaa Madaxweynihii hore Ee Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa dalka Turkiga halkaasi oo ay diyaarad gaar ah ka soo qaaday xilli uu jiro weli hakad duulimaadyadii caadiga ahaa ee dunida inteeda kale sababo la xiriira cudurka Coronavirus.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...