Maxkamada Ciidanka Oo Xukunno Dil & Xabsi Ku Ridday 4-Eedeeysane Oo Lala Xiriirinayo Dilkii Taliyihii Ciidanka Gorgor.

Date:

Maxkamadda darajada koobaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa maanta go’aan ka gaartay kiiska maxkamadeynta 4 qof oo loo haystay dilka Taliyihii Ciidamada Gorgor Maxaadeey Suleymaan, oo ay dileen ilaalada Hotel Maa’ida Ex-Naasahablood 2, 19-kii October 2019.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur  ayaaa sheegay in xukun dil toogasho lagu riday dable xoogga Xasan Shuute Cismaan iyo Dable Boolis Juule Gaabow Ibraahim oo ah qisaasta Maxaadeey Saleebaan iyo Askarigii illaalada u ahaa ee la socday,  halka labada kale lagu xukumay min 5 sano oo xabi ciidan ah.

Xeer Ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida  ayaa go’aamisay in dilka Taliyihii hore ee Gorgor uu ahaa mid ku tala gal ah, iyadoo la soo bandhigay afartii qori ee Ilaalada heysteen iyo fooqa rasaasta lagu dilay Marxuumka iyo caddeymo kale.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegtay ciddii aan ku qanacsaneyn xukunkaasi inay u furan tahay qaadashada Racfaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...