Guddiga Qaran Ee Ka Hortagga Cudurka Dilaaga Ah Oo Agab Xakameyntaย  Ku Wareejiyay Taliska Ciidanka Asluubta.

Date:

Agabkaan maanta ay ku wareejiyeen Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeedย  guddiga qaran ee wacyigelinta ka hortagga xanuunka Covid-19 ayaa waxaa uu isugu jiray maaskarooyinkaย  afka iyo sanka lagu xirto iyo kuwa kale oo loogu talagalay in dadka lagu gaarsiiyo farriimaha ku saabsan halista uu leeyahay cudurka karoona fayris.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga qaran ee wacyigelinta Xanuunka COVID-19 ayaa sheegay in qalabkaan ay ugu talagaleen in looga hortago xanuunka,waxaana Taliska Ciidanka Asluubta uu kula taliyay in ay sameeyaan taxadar dheeraad ah.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in agabkaan ay guddigu ugu talagaleen in ay kaga jawaabaan baahiyaha Ciidanka Asluubta,isagoo u rejeeyay Taliska in ay ku dadaalaan sidii loo ilaali lahaa badqabka maxaabiista.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeedย  ayaa tilmaamay in qalabkaan uu kaalin weyn ka qaadanayo ilaalinta xaaladda caafimaad ee maxaabiista,isagoo uga mahadceliyay agabkaan ay gaarsiiyeen guddiga Qaran ee Ka hortagga xanuunka.

Talaabadaan ayaaย  qeyb ka ah qorshaha Dowladda Soomaaliya ay ku xakameyneyso xanuunka Coronavirus,iyadoo guddiga Qaran ee ka hortagga xanuunka Coronavirus qalab kan la mid ah ka qeybiyeen goobo kale oo muhiim ah, si loo ilaaliyo badqabka Caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hayโ€™adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Duqa Muqdisho oo Degamda Kaaraan maanta ka qaatay kaarka diiwaangelinta doorashada qof iyo codka ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen...