Dharkeynley Oo U Gudubtay Wareegga 3-aad Ee Tartanka

Date:

Tartan cilmiyeedkan oo galay sanadkii 9-aad socda oo si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka iyo Raadiyaha ayaa waxaa xalay kulankii 17-aad wareegga 2-aad ku tartamayay Degmooyinka Dharkeyley Vs Jilib.

Barnaamijka sanadkani waxaa maalgelinaya Gobalka Banaadir.

Tartameyaasha ayaa muujiyey tartan aad u adag iyo asluub wanaag labada dhinac ah.

Dharkeynley

Tartameyaasha Degmada Dharkeynley waxaa la weydiiyey todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen 4 su’aal, iyagoo qalday 3-su’aal, balse waxa ay ka faa’iideysteen 1- su’aal oo soo hareer-martay Jilib, sidaa darteed dhibcaha tartameyaasha Dharkeynley ayaa waxay noqotay (10) dhibcood.

Jilib

Tartamayaasha Degmada Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe waxaa dhankooda la weydiiyay 7-su’aal way ka jawaabeen 4-su’aal, 3-way qaldeen, 1-way ka faa’iideysteen kadib markii ay ay soo hareer-martay tartamayaasha Degmada Dharkeynley, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha Jilib waxa ay noqotay 10-dhibcood.

Tartanka oo xalay aad u adkaa ag ayaa la isla dhaafi waayay bar baro, balse su’aalo dheeraad ah oo lagu daray si loo kala saaro, ayaa waxaa ka faa’iideystay tartamayaasha Degmada Dharkeynley halka tartamayaasha degmada Jilib ay jawaabta su’aashii la waydiiyay qaldeen, sidaas ayaana Dharkeynley ay ku heshay 14 dhibcood, halka ay Jilib la yimaadeen 12 dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley ee Gobalka Banaadir ayaa xalay ugudbay wareegga 3-aad ee tartanka.

Haddii uu Alle idmo caawa oo ah habeenka 18-aad ee tartanka waxaa la qaban doonaa labo tartan oo ay ku tartami doonaan degmooyinka Garbahaareey Vs Shibis oo ka kala tirsan Goballada Gedo iyo Banaadir, halka qeybta dambe ay ku tartami doonaan Kismaayo iyo Hodan oo ka kala tirsan Goballada Jubbada Hoose iyo Banaadir.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan is xogwareysi ah la qaatay Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane...

Madaxweynaha JFS “Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala sarayaa Baarlamaanka iyo XFS.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...