Beeraleeyda Xudur Oo Dalagii Ay Filayeen Baaba’ay

Date:

Beeraleyda Degmada Xuddur ee Gobalka Bakool ayaa markale dalagooda ku baaba’ay roobab daadad watay oo nawaaxiga magaalada Xudur ka da’ay.

Daadadkaan oo marwalba sanado barwaaqo tahay aafeeya beeraha degmada Xudur gaar ahaan beeraha khudaarta ayaa waxa ay ka yimaadaan roobabka ku da’a  dhulka taaga ah oo illaa 50-km waqooyi ka xiga magaalada.

Roobka Gu’ga oo daadad la socdeen ayaa si weyn u saameeyey khudaar xilligii jiilaalka la beerey oo bisha ramadaan loogu talo galay in ay soo go’do iyo geedo waa weyn, waxaa ba jira dad sanadkii deyrta ee la soo dhaafey ay khudaartii ay filayeen uu daadku baabi’iyay.

Guddoomiye  Ku xigeenka degmada Xudur Mustaf Aadan oo ka hadlay ayaa sheegay inuu jiro qorshe ay u dejiyeen si looga baaqsado saameynta daadadka qorshahaasi oo ah mid uu maamulku dejiyay.

Waxa jira toogag waa weyn oo biyo keena magaalada Xudur xilliga uu roob ku da’o meelo ka baxsan magaalada hase ahaatee ma muuqato qorshe biyo xireen loogu sameeyo daadadkaan soo noq-noqday.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...