Madaxweyne Waare oo gaaray Magaalada Baladweyne

Date:

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Hirshabeelle Madaxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaasi oo ay ka jiraan howllo looga hortagayo fatahaada Wabiga Shabeele ee magaalada Baladweybe.

Madaxweyne Waare iyo wafdigiisa ayaa kasoo kictimay Magaalada Jowhar oo haatan xarun u ah maamulka Goboleedka Hirshabeelle.

Qeybo ka  mid bulshada ,Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada ayaa soo dhaweeyay Madaxwyeneha  waxaana loo qaaday isaga iyo wafdigiisa gudaha Magaalada halkaasi oo lagu wado inay ku yeesheen kulamo ay uga arrinsayaan xaalada fatahaada wabiga iyo sidii loo xakameyn lahaa maadaama uu haatan qeybo ka mid Xaafadaga Magaalada ka bilaawday fatahaad.

hore Maamulka Gobolka ,kan Degmada, Ganacsatada deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa u waday howllo ay ku sameeynayeen Caro tuuryo goobaha laga cabsi qabo inuu Fatahaad ka sameeyo wabiga sidoo kale waxaa jira cabsi xooggan iyo barakac soo wajahay dadka deegaanka Maadaama qeybo ka mid haatan uu ka bilaabay inuu fatahaad ka sameeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo maanta la dhaariyay

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay golaha xukuumadii hore ee maamulkaas.

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyey Amiirka Dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Shir looga hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha sifeysan oo Xarunta Gobolka Banaadir lagu qabtay

Mas'uuliyiinta Sheybaarka Gobolka Banaadir Ayaa Kulanka Ku soo bandhigay...