Diyaarad sidday agab looga hortago Fatahaadda oo gaartay Baladweyne+Sawirro

Date:

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta udirtay diyaarad siday agab loogu talagalay in caro tuur loogu sameeyay goobaha laga cabsi qabo inuu wabiga shabeellle fataahaad uu ka sameeyay ee Magaalada Baladweyne .

Diyaaradaqan siday agabka ayaa goordhawey caga dhigay garoonka diyaaradaha Ugaas khaliif ee Magaalada Baladweyene ee Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan.

Marka laga tago agabka waxaa diyaarada la socday Masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’isulwasaaraha dalka Xasan Cali Khayere waxaana ka horeysan diyaar kale oo ay Dowladda Gaarsiisay todobaadkii lasoo dhaafay iyo wafdi balaaran oo qiimeyn ku soo sameeyay .

Wabiga shabeelle ayaa Sanadkii 2018 Fatahaad qasaaro  geystay ka sameeyay Magaalada baladweyne iyadoo ay ku bur bureen nolosha dad badan oo xoogsato ahee ku nool Magaalaadasi waxaase markale soo wajahday cabsi xooggan ka dib markii uu fatahaad ka sameeyay qeybo ka mid Magaalada .

Dowladda Soomaaliya ayaa xoogga saareyo sidii wax loga qaban lahaa xaaladaha ka taagan dalka iyadoo muruq iyo maalba layskugu geynayo in laga hortago qasaaro ka dhasha wabiga ee Magaalada Baladweyne.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...