Galmudug oo Tababar u soo xirtay Shaqaale loogu talagalay la dagaalanka Ayaxa

Date:

Muqdisho:(SNTV):-Wasaarada Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha Galmudug oo kaashanaysa Wasaarada Beeraha iyo Xanaanada Xoolaga dowladda dhexe ayaa Tababar u soo xirtay Kooxo loogu talagalay la dagaalanka Ayaxa oo Dhowaan yimid Deegaano ka tirsan Galmudug haddana dhibaato ku haya Dalagyada Beeraha iyo Daaqsinka, waxaana sidoo kale Wasaaradu soo bandhigtay qalabkii lagula dagaalami lahaa Ayaxa.

Agaasimaha guud ee wasaarada beeraha iyo xanaanada Xoolaha Galmudug Dr. Saleebaan Maxamed Saalax oo ka waramay Howshaan wasaaradu qabanayso ayaa xusay in Kooxahaan loo soo xiray Tababarka loo kala diri doono deegaanada Ayaxu ku habsaday.

Dhinaca kale Agaasimaha Wasaarada Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Nuur Yuusuf Nuur ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay la dagaalanka Ayaxa iyo sidii lagu heli lahaa agabyada lagula dagaalamayo.

Ayaxa ayaa Sanadkii hore waxa uu halakeeyey dalagyo fara badan  iyo Dhul daaqsimeed aad u baaxad wayn wuxuuna Saamayn ku yeeshay deegaano badan oo Dalka ka tirsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay howlgalka hubka dhigista ee Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin rasmi ah...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka...

Madaxweynaha JFS oo Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Kulan looga hadlayay Amniga Doorashooyinka oo lagu qabtay Baydhabo

Guddoomiye Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka...