Muqdisho:(SNTV)-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta kala wareegay gudiga wacyi galinta heer qaran qalab looga gaashaanto coved-19 oo ay ku Deeqeen Haween soomaaliyeed oo ay wakiil ka tahay Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka qaran xaliima ismaaciil (Xaliima yareey)
Munaasabada qabalabka lagu wareejiyay waxaa goobjog ka ahaa masuuliyiin ka mid ah maamulka gobolka Banaadir iyo xubno ka socday gudiga wacyi galinta heer qaran.
Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir Basmo Caamir Shaqkeeti ayaa ka gudoontay qalabka ka hortaga caafuqa faafa ee COVID 19 gudiga wacyi galinta heer qaran oo dadaal ballaran ugu jira ka hortaga cudurka ka inta uusan ku faaafin bulshada dhaxdeeda.