Maamulka Gobolka Banaadir iyo Gadiidka leyda Muqidho oo isku raacay iskaashiga ka hortaga Covid-19

Date:

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho iyo taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa Xarunta gobolka Banaadir kulan kula qaatay ururka iskaashatada gaadiidleyda kaas oo ujeedkiisu ahaa dhaqangalinta awaamiirta la xariirta ka hortago faafitaanka cudurka halista ah ee Coronavirus.

Kulankani oo ay goob jog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenada gobolka Banaadir iyo saraakiisha hogaanka Taraafikada ayaa aad looga dooday sida ugu haboon ee loo isticmaali karo gaadiidka BL-KA ama bajaajta waxaana wadatashi kadib lagu heshiiyay in tira yar oo dadweyna ah ay raaci karaa ama ay isticmaali karaan gaadiidka iyadoo la kala fogaanaayo si loo raaco tilmaamaha ka hortaga caabuqa covid-19.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar (Filish) ayaa sheegay in laysku afgartay in la dhiso guddiga isku dhaf ah oo ka shaqey doono sidii layskga kaashan lahaa cudurka halista ah ee Karoona Feyruska.

“Waxaan ku hishiinay inaan dhisno guddiga ay ku mideysan yihiin uruka iskaashatooyinka gadiidka leyda ,Mamaulka Gobolka Banaadir ,Taliska Ciidan Booliska gaar ahaan Ciidmada illaalada wadooyinka ee taraafikada si aan iskaga kaashano Cudurkaan kusii faafaya dalka ee Covid-19 sidaan ku xakeyn laheyn anagaa illaalineyso badqabka bulshada Caasimada”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...