Dowladda Soomaaliya oo gurmad deg-deg ah u diraysa magaalada Bacaadweyne

Date:

Muqdisho:(SNTV)-Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Siciid Xamse ayaa ka warbixiyey gurmad deg-deg ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gaarsiinayso Deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, halkaas oo daadad ku fatahay ay sababeen xaalad binu aadantinimo oo adag.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha in ay deg-deg ugu howlgalaan sidii gurmad loo gaarsiin lahaa muwaadiniinta ku dhibaataysan Bacaadweyne oo hooy iyo hantiba ku beelay daadadka ku fatahay.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka ayaa ka tacsiyeeyey dadka ku nafwaayey fatahaaddan ka dhacday Bacaadweyne, isaga oo muujiyey sida Madaxweynaha, Raaiisul Wasaaraha iyo guud ahaan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay uga murugaysan yihiin dhibaatadan.

Wasiir Xamse Siciid ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka deg-deg ah ee loo fidinayo deegaannada ay fatahaaduhu ku dhufteen, iyada oo la xoojinayo wacyi gelinta ku aaddan halista fatahaadaha iyo daadaka ee la filanayo, maadaama lagu guda jiro xilli roobaadkii Guga.

Lifaaqa  hoose ka akhriso

WAR SAXAAFADEED 03-05-2020

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga oo ka hadlay Barnaamijyada Maalgashiga ee Soomaaliya

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiir Fiqi oo ka Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub ee Suudaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed...

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la yeeshay Madaxa Bankiga Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka cimilada Soomaaliya Midane Bashiir...

R/WXamse ” Xukuumadda waxa ay waddaa qorshe lagu hormarinayo Waxbarashada dalka”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...