Wasaaradda Gargaarka Oo Ka Warbixisay Xaaladda Deegaannada Uu Ku Fatahay Webiga Jubba

Date:

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Siciid Xamse ayaa ka warbixiyey xaaladda bini aadantinimo ee la soo gudboonaatay magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, kaddib markii uu ku fatahay wabigaJubba.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha in ay deg-deg ugu howlgalaan samata-bixinta dadka ku dhaqan Baardheere iyo degaannada ku xeeran oo ay soo food saartay xaalad nololeed oo aad u adag.

“Talaabada ugu muhiimsan wakhtigan waa in aan ka daad-gureynaa dadka ku xaniban gudaha xaafadaha ee wabigu ku soo fatahay, iyada oo aan u rarayno qeybta magaalada ee kore. Sidoo kale waxaa muhiim ah in aan qorshe u samayno dadka beeralayda ah ee dalagoodii iyo agabkoodii wax soosaar ay galaafteen biyuhu, si aan uga hortagno xaalad binu aadantinimo oo ka dhalatay fatahaadahan maadaama nolasha reer Baardheere ay ku tiirsan tahay beeraha.”

Wasiirka Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan degmada Baardheere gurmadka ay u sameeyeen dadka magaalada, waxa uuna tilmaamay in is-garab istaagga iyo iskaalmeynta reer Baardheere ay ka hortagtay in dhibaatadu ay sii ballaarato.

Sidoo kale, Wasiir Xamsa ayaa sheegay in Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha ay yeesheen kulan deg-deg ah oo ku saabsan xaaladaha binu aadantinimo ee ay sababeen fatahaadaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle, iyada oo la qorsheynayo diyaarinta gurmad deg deg ah oo lala gaaro deegaannada dhibaateysan.

Guddiga ayaa ka digay fatahaad laga cabsi qabo in uu sameeyo wabiga Shabeelle waxayna ugu baaqeen dadka Soomaaliyeed in ay ka taxadaraan, gaar ahaan dadwaynaha magaalada Baladwayne.

Wasiir Xamse Siciid ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka deg-deg ah ee loo fidinayo deegaannada ay fatahaaduhu ku dhufteen, iyada oo la xoojinayo wacyi gelinta ku aaddan halista fatahaadaha iyo daadaka ee la filanayo, maadaama lagu guda jiro xilli roobaadkii Guga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha maamulka Somaliland oo si rasmi ah u furay imtixaanka Shahaadiga ah ee 2025

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS ayaa ka qeyb galay shir deg deg ah oo isugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska toddobaadka xoriyadda oo si rasmi ah u bilowday

Waxa si rasmi ah guud ahaan dalka uga bilowday...

Cabdullaahi Sanbaloolshe oo si aqlabiyad leh ugu guuleystay kursiga HOP058 ee BJFS

Maanta oo ay taariikhdu tahay 20-ka Juun 2025, waxaa...