Hay’adda Lacagta Adduunka Oo $309 Milyan Ugu Deeqday Mid Kamid Ah Wadamada Afrika

Date:

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ku dhawaaqday in dalka Mozambique la gaarsiin doona  gargaar lacageed oo degdegga ah, kaasi oo gaaraya $ 309 Milyan  si ay ugu kaashadaan la dagaallanka cudurka COVID 19.

War kasoo baxay  Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa lagu sheegay  in xanuunkan uu saameyn weyn ku yeelan karo dhaqaalaha dalka Mozambique, si taasi loga hortagana ay u qorsheyeen lacagahaan dhawaana ay gaarsiin doonaan, lacagahaan ayay sheegtay IMF in lagu taageeri doono adeegyadda Caafimaadka.

Sidoo kale IMF ayaa sheegtay in dalkaasi uu horay ula daaladhacayay Musiibooyin dabiici oo  ka dhalatay labo duufaan oo ku dhufatay intii lagu guda jiray sanadkii  tagay eee 2019-ka.

Sida la xaqiijiyay dalka Mozambique 65 Xaaladood oo Corona Virus ah ayaa laga helay , ilaa iyo hadda ma jirto wax dhimasho ah, waxaana Cudurka ka bogsaday 12 ruux sidda ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka dalkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dhagax dhigay Ceelal biyood laga hirgelinayo Gobolka Bakool

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay...

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo xoojinaya xiriirkooda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda...

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa-la’aan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane...