Hay’adda Lacagta Adduunka Oo $309 Milyan Ugu Deeqday Mid Kamid Ah Wadamada Afrika

Date:

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ku dhawaaqday in dalka Mozambique la gaarsiin doona  gargaar lacageed oo degdegga ah, kaasi oo gaaraya $ 309 Milyan  si ay ugu kaashadaan la dagaallanka cudurka COVID 19.

War kasoo baxay  Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa lagu sheegay  in xanuunkan uu saameyn weyn ku yeelan karo dhaqaalaha dalka Mozambique, si taasi loga hortagana ay u qorsheyeen lacagahaan dhawaana ay gaarsiin doonaan, lacagahaan ayay sheegtay IMF in lagu taageeri doono adeegyadda Caafimaadka.

Sidoo kale IMF ayaa sheegtay in dalkaasi uu horay ula daaladhacayay Musiibooyin dabiici oo  ka dhalatay labo duufaan oo ku dhufatay intii lagu guda jiray sanadkii  tagay eee 2019-ka.

Sida la xaqiijiyay dalka Mozambique 65 Xaaladood oo Corona Virus ah ayaa laga helay , ilaa iyo hadda ma jirto wax dhimasho ah, waxaana Cudurka ka bogsaday 12 ruux sidda ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka dalkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...