Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo shacab dibadbaxayay kula hadlay Daljirka-dahsoon.

Date:

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ku baxay xalinta banaanbax ay dhigaayan dadweyne aad u tirabadan oo ka gudoodsan dil uu 2-qof oo shacab ah u geestay Askari katirsan ciidanka Boliiska Soomaaliyed gaar ahaan saldhiga degmada Boondhere.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Mudane Cumar Filish ayaa fagaaraha taalada Daljirka Dahsoon kula hadlay dibadbaxyaasha.

“Waxaan marka hore idin kaga tacsiyeenaya dhibkii dhacay oo ahaa mid aad u foolxun islamarkaana qalbigeyga xanuujisay waana sababta keentay inaan hortiina imaado, sidoo kale madaxda dowlada wey xanuujisay waxeyna diyaar u yihiin in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo horkeeno gacan ku dhiiglihii falkaas arxandara ah geestay”.

 

Dhankale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa taliska qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka boliiska Soomaaliyeed kula kulmay qoysaskii marxuumiinta wax uuna u sheegay in sharciga si deg deg ah loo horkeeni doono gacan ku dhiigle Xasan Aadan Xasan oo ah askarigii dilka geestay, sidoo kale duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay dolwada ay garab taagan tahay qoysaska marxuumiinta gardara lagu dilay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...