Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Ummadda Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyay Bilashada Bisha Ramadaan.

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta Caalamka ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan Ee Ramadaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  ayaa xusay fadliga Bishan barakeysan iyo maalmahan xurmada badan, waxa uuna Alle SWT ka baryey in uu naxariis iyo nimco ku manneysto dalkeenna iyo dadkeenna.

“Bisha Ramadaan waa bishii kheyrka, waa bishii towbadda, cafiska, waa bisha ay ku jirto habeenka kheyrka badan ee Leylatul Qadriga. sidoo kalena waa  bisha sheydaanka la xiro, muslimiintana naarta laga xorreeyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa shacabka Soomaaliyeed ku baraarujiyey halista caafimaad ee ku xeeran dalkeenna oo ah mid aan la dhayalsan karin, maadaama tirada dhimashada iyo bukaannada uu soo ritay cudurka COVID-19 ay aad u korortay,waxa uuna dadka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay taxadar muujiyaan islamarkaana iyagoo ka faa’ideysanaya kheyrka bishan hadana ay u hogaansamaan talooyinka Wasaaradda caafimaadka iyo hay’adaha kale ee Dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS  ayaa ku booriyey dadka Soomaaliyeed in ay is-cafiyaan oo ay kaalmeeyaan waalalahooda danta yar maadaama ay jiraan walaalo badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo daruufeysan in la caawiyana u baahan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay hormarinta xariirka diblomaasiyadeed ee labada Dal.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay xubnaha Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha JFS shir guddoomiyay kulanka golaha Wasiirrada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasaaradda Qorshaynta oo Wadatashi Istiraatiijiyadeed la yeelatay Hay’adda WFP ee 2026–2030

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka...