Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Soo Saartay Warsaxaafadeed Kusaabsan Dhoofinta Xoolaha Soomaliya

Date:

Wasiirka Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa XFS mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo shir jaraaid u qabtay Warbaahinta ayaa shaaciyay In xukuumadda Soomaaliya ay muddo Lix sano ah kadib ku guuleysatay In xayiraada laga qaado xoolihii loo dhoofin jiray Suuqyada dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in dhawaan dalkaas loo dhoofin doono 600,000 oo neef oo ari ah iyo 100,00 kun neef oo geel ah.

War-Saxaafadeed

Maanta oo ay taariikhdu tahay 23 bisha Abriil 2020, waxaan shirkaan jaraa’id u qabanayaa in aan bulshada la wadaago furtinaaka Xoolaha Soomaaliya ee loo suuq geyn jiray dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kadib dadaal ay samaysay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Iyadoo wadashaqayn wanaagsan iyo taageero ka helaysaa Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Biyaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Waxaan halkaan ugu mahad celinayaa Boqortooyaada Dalka Sacuudiga oo hormuudka u yahay Khaadimka labada Xaram ee Shariifka ah Malik Salman Bin Cabdul Casiis iyo Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Biyaha ee Sacuudiga Madaxdeedii oo runtii siniyadsami leh noola shaqaysay Mudadii lixda bilood ee howshani aan kawada shaqaynaynay ilaa ugu danbayntiina ay miro dhal noqotay. Waana Markii ugu horaysay muddo lix sanadood kadib Xoolaha Soomaaliya loo furo Suuqyada Gudaha ee Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo sanadaaahasi waqtiga Xajka ah o keliyah naloo furi jiray, waana guul usoo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed.

Sidaan la wada socono Xoolaha waa laf dhabarta dhaqaalaha dalka, islamarkaana ay ku tiirsan yihiin qoysas badan oo Soomaaliyeed, haddaba Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ay dadaalo farabadan ugashay sidii suuqaqii horey ujiray loo soo celin lahaa suuqaaq cusub oo xoolaha loo iibgeeyo loo abuuri lahaa si loo daboolo baahida asaasiga ah ee xoolo-dhaqatadeena loona xoojiyo awoodda ganacsatada Soomaaliyeed.

Sidaa daraadeed; runtii waa arrin muhiimaddeeda u leh xoola dhaqatada iyo ganacsatada ka shaqeysata xoolaha iyo kuwa kaloo badan oo si toos iyo si dadbanba uga shaqeeya arrimaha xoolaha.

Ayadoo maanta uu ka jiro dunida hoos udhac dhaqaale oo ballaaran, culeys caalami ah oo ka yimid cudurka safmareenka ah ee COVID 19 awgeed, haddana waa Ilaah mabaddii in aan xoolo dhoofino taasoo dhaqaalaha Shacabka Soomaaliyeed kor usoo qaadaysa.

Waa arrin lagu farxo waxayna qayb weyn ka qaadanaysaa kor u qaadist dhoofka Waxsoosaarka gudaha GDP.

Waxaan xooga saareynaa in aan joogteyno suuqaasi iyo suuqyada kale islamarkaana aan sii raadino suuqyo kale oo lagu iibiyo Xoolaha iyo Uunta Xoolaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...