Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo War Ka Soo Saartay Xarigga Wariye Maxamed Cabdiwahaab (Abuuja)

Date:

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Hayโ€™addaha amniga ay gacanta ku hayaan Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) oo ku eedaysan inuu ka tirsanyahay Argagixisada Al-Shabaab.

Eedaysane Abuuja ayaa loo haystaa inuu qayb ka ahaa fal danbiyeed la xiriira dil loo gaystay Marxuumad Baxsaneey Booleey, dilkaas oo ka dhacay Degmada Boondheere taariikhdu markay ahayd 06/03/2019.

Hayโ€™addaha amniga ayaa eedaysanaha gal dacwadeed-kiisa u gudbinaya Hayaddaha Garsoorka ee ku shaqada leh.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale