Webiga J/Hoose Oo Fatahaad Sameeyay & Khasaaro Uu Ka Geystay Baardheere

Date:

Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ayaa sheegaya in webiga Jubba oo ka mid webiyada mara dalkeena Soomaaliya gaar ahaan goballada Jubada Hoose uu xalay iyo saaka ku fatahay halkaasi, isla markaana uu khasaaro kaga tagay meelihii uu ku fatahay sida deegaannada dhulka beeralaydu falato iyo Xoolaha nool intaba.

Warka ayaa intaasi ku daraya in daadadku ay sidoo kale burburiyeen wixii dalag ahaa ee u baxaayay beeraleyda degmada Baardheere, iyadoo in lagu qiyaasay 2270 beerood ay fatahaaduhu saameeyeen sida ay ku warameen dadka deegaankaasi oo warbaahinta u waramay.

Waxaa jira barakac saameeyay in ku dhow 397 qoys oo kamid ahaa dadka ku dhaqan deegaannada ka agdhow dhul beereedka ku hareeraysan degmada Baardheere.

Roobabka xiligan gu’ga oo curtay ayaa weli ka da’aya goballada dalka iyadoo meelihii uu ka da’ay si weyn loogu mahdiyay walo khasaaraha fatahaadda ay tahay mid bilow.

degaannada gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sidoo kale feejignaan laga qabaa inuu webigu buux dhaafo taasi oo ay ka dhalan karto fatahaad suurtagal ay tahay inuu geysto khasaaro badan, iyadoo ay maamulka degmada Jowhar iyo nawaaxigeeda oo kaashanaya dadka deegaanka ay bilaabeen in ay dhigaan jawaano ciid ah hareeraha webiga gaar ahaan meelaha uu inta badan ka jabsado webiga.

.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...