Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Nuur Cadde

Date:

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida Raโ€™iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska oo toddobaadyadii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tacsi u diray qoyskii,saaxibadii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo uu ka geeriyooday Marxuumku, isagoo Alle uga baryay inuu Naxariistiisa siiyo, wuxuuna sheegay in muddo dheer uu usoo shaqeynayay Qaranka.

โ€œWaxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh ugu soo gudbinayaa xaaska iyo caruurta Allaha u naxariistee Raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde). Waxaan sidoo kale u tacsiyeynayaa eheladii, saaxiibadii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu muddada dheer usoo adeegaayay.Marxuumka Allaha u naxariisto, dhammaanteenne sammir iyo iimaan Allaha innaga siiyoโ€ayuu yiri Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...