Khilaaf xooggan iyo is Qaarajin ka dhex bilaabatay hoggaanka Al-Shabaab

Date:

Hayโ€™adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay qaarajisay Muuse Macallin (Mucaawiye) oo ahaa madaxii hore ee amniyaadka kooxda ee Muqdisho.

โ€œSaqdii dhexe ee xalay ayaa Buโ€™aale lagu dilay Muuse Macalin, oo horay isaga casilay madaxii Amniyaadka Gobolka Banaadir ee Al-shabaabโ€ ayaa lagu xusay qoraalka NISA.

Sidoo kale NISA ayaa sheegtay in Xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaadkaย gobolka Banaadirย ee Al- Shabaab, Cumar Maxamed, amarka dilkaas oo uu bixiyay horjoogaha Al-Shabaab Axmed Diiriye

NISA ayaa todobaadkii hore shaacisay in khilaaf xoogan uu soo dhex galay kooxda al-shabaab hogaankeeda sare,ka dib markii Axmed Diiriye uu Mahad Karataay iyo Bashiir Qoorgaab ka saaray golaha fulinta ,kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay ka hayeen kooxda.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii ay labada nin dalbadeen joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho sida lagu sheegay qoraalka NISA ay soo saartay todobaadkii hore, waxaana arinkaas dartii is casilay Muuse Macalin (Mucaawiye).

Bashiir Qoorgaab oo ahaa abaanduulihii ciidamada Al-shabaab kana mid ahaa ragga ka soo horjeestay amiirka kooxdaas,waxaa kadib lagu dilay duqayn ay ciidamada Mareykanka fuliyeen 22-kii Febraayo sida uu sheegay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...