Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Dowlada Federaalka Soomaaliya Oo Gaaray Dalka Suudaan.

Date:

Waxaa soo gaaray caasimada dalka Suudaan ee khartuum Wasiirka wasaarada Batroolka iyo Macdanta Dowlada Federaalka Soomaaliya Injineer C/rashiid Axmed Maxamed iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo wasiirka.

Soo dhaweynta wasiirka oo ka dhacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Khartuum, ayaa waxaa hormuud ka ahaa Caadil Cali Ibraahim oo ah wasiirka Batroolka ee Suudaan iyo Safiirka safaaradda Soomaaliya ee Suudaan Mudane Maxamed Sheekh. 

Soo dhoweynta Wafdiga Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo ahayd mid diiran ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb qaatay saraakiil kale oo ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Khartuum, waxaana ka mid ahaa u qeybsanaha Ganacsiga ee Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan, Yuusuf Jeego.

Wasiirka ayaa booqasho rasmi ah ku joogi doona dalka Suudaan Mudo laba cisho ah isagoo kulamo la yeelan doona Madaxda dowlada Suudaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...