Ciidanka cirka Suuriya oo duqeeymo ka geystay Magaalada Idlib

Date:

Ciidanka cirka Dawladda Suuriya ayaa maalmihii lasoo dhaafay 200 oo duqaymo kala duwan ah ku garaacay deegaanada ay haystaan kooxaha mucaaradka oo ay kamid tahay magaalada Idlib.

Duqaymahaas ayaa dhacay sedexdii maalmood ee la soo dhaafay, iyadoo ciidamada Siiriya ay ku bartilmaamsadeen koocaha mucaaradka ah balse waxaa ay duqaymahaas dhibaato xoogan u gaysteen dadka rayidka ah eek u dhaqan deegaanadaas.

Wakiilka gaarka ah ee Mareykanka ee Suuriya James Jeffrey ayaa cadeeyey in duqeymahaas ay fuliyeen ciidamada cirka Siiriya oo garab ka helaya Ruushka.

Wuxuu tilmaamay in hal mid kamid ah duqaymaha ay ku dhinteen 11 qof oo rayid ah, taasoo muujinaysa dhibaatada gaaraysa kooxcaha mucaaradka inay ka badan tahay mida ku dhacaysa dadka shacabka ah.

Arbacadii lasoo dhaafay ayaa ciidamada Siiriya waxay la wareegeen magaalada Macratul Nimcaan, oo ku taal wadada weyn ee u dhaxaysa magaalooyinka Dimishiq iyo Xalab.

James Jeffrey wuxuu sheegay in ciidamada kala duwan ee Dawladda Siiriya ay arrimahaas u arkaan horumar ay ka sameeyeen dalka Siiriya, balse uma muuqato dhibaatada ku dhacaysa dadka shacabka ah.

Qaramada Midoobay ayaa asbuucii hore sheegtay in qiyaastii 390,000 oo qof  ay ka barakceen dalka Suuriya iyadoo %80 ay yihiin haween iyo carruur, waxay kaloo intaa ku dartay QM tan iyo bishii December ee la soo dhaafay inay wadanka Suuriya ka qaxeen 400,000 oo qof oo kale oo magan galyo u doontay daafaha adduunka.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Mombasa

Waxaa Magaalada Mombasa lagu soo gaba-gabeeyay shir wada-tashi ah...

Putin oo soo jeediyay in Rashia iyo Ukraine ay kulan toos ah ku yeeshaan Istanbul

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa soo jeediyay in Ukraine...

Safiirka JFS ee Masar oo soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo booqasho rasmi ah ku yimid Qaahira

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Masar Amb. Cali...