Ololaha Wacyigalinta dib-u-eegista Dastuurka oo lagu soo Gabagabeeyay Muqdisho

0
39

Olole Wacyigalineed oo kusaabsan Dib-u-eegista dastuurka kaa oo muddo saddex maalin ah ka socday magaalada muqdisho ayaa lagu soo gabagabeeyay manata waxaana ka soo qaybgalay dad kabadan boqol qof oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan caasimadda muqdisho.

Ololahan oo ah mid ballaaran ayaa ujeedadiisu tahay in dadka soomaaliyeed ay ka qayb qaataan dib-u-eegisata dastuurka islamarkaana iyo aragtidooda ku biiriyaan cutubyada dib-u- eegista lagu sameeyay iyo in sidoo kale loo soo bandhigo arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed ee ku jira dastuurka si ay ufahmaan mowduucyada dastuurku ka koobanyahay.

Kulanka gobolka banaadir intii uu socday waxaa ka qayb galayaasha lala wadaagay nuqulada dib-u-eegista lagu sameeyay iyo sidoo kale agabyo ay ka heli kartaan xogta dastuurka, waxaa sidoo kale kulanka ka qayb galay khuburro kuwsas oo soo jeediyay mowduucyada u baahan wada xaajiidyada siyaasadeed sida maqaamka caasimadda, caddaaladda iyo amniga, hannaanka maaliyadda, doorashooyinka iyo qaab dhismeedka dowladda.

Ka soo qaybgalayaasha ayaa bogaadiyay ololaha wacyigalinta ee wasaaradda dastuurka ay hurmuudka ka tahay waxayna codsadeen in labadiyo kulamada nuucaan oo kale ah si qof kasta oo soomaaliyeed fursad ugu helo in uu aragtidiisa ku daro dib-u-eegista dastuurka.

Gabagabadii agaasimaha wacyigalinta wasaaradda Arrimaha dasstuuka Abdikani Ali adan oo kulanka soo xiray ayaa uga mahadceliyay ka qayb galayaasha shirka sida wacan oo ay uga qayb galeen kulanka iyo sida ay u soo bandhigeen doodda wanaagsan ee quseysa mowduucyada lagu soo bandhigay shirka.
Agaasimaha ayaa xusay ujeedada ololahan at tahay in sare looqaado ogaalka bulshada ee la xiriirta dib-u-eegista dastuurka. Sidoo kale, Waxa uu xusau in ololahan uu socon doono muddo laba bilood ah laguna qaban doono dhammaan gobolada dalka si loo helo aragti ka tarjumaysa danta dadka soomaaliyeed eek u aadan dib-u-eegista dastuurka.

“Ololahan wuxuu socon doonaa muddo laba billood ah, Feebaraayo – Maarso, waxaa lagu qaban donaa dhammaan dowlad goboleedyada dalka, waxaana la wadaagi doonnaa cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay si ay taladooda ugu biiriyaan” ayuu yiri Agaasime Abdikani.

Ugu dambayn, kulankan ayaa hordhac u ahaa kulamo kale oo wacyigalineed oo ka dhici doonaa gobolada dalka, si bulshada looga tala geliyo dib-u-eegista dastuurka.

—–DHAMAAD—–