Maamulka Gobolka Banaadir iyo Madax ka socotay Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay arrimo badan

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, gaar ahaan isuduwaha dhinaca arrimaha beni’aadanimada Mr.Adam Abdelmoula.

Kulankani oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenada maamulka iyo arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir ayaa looga hadlay sidii hey’adaha Qaramada Midoobay ay dowladda hoose Xamar uga caawin laheyd horumarinta arrimaha barakacayaasha, shaqa abuurka, waxbarashada, xoojinta taageerada dhinaca Amniga iyo dib u dhiska Caasimadda.

Kulanka kaddib ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay ku xigeenka ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan isuduwaha dhinaca arrimaha beni’aadanimada Mr.Adam Abdelmoula oo sheegay in maamulka ay ka caawin doono wax u qabashada barakacayaasha.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay madaxda Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ay isla meel dhigeen waxyaabo badan oo dhanka iskaashiga ah.

               

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc lagu xoojinayo ka Jawaabidda masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha laamiga degmada Wadajir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweynaha Tanzania

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...