Taliyaha Mucaaradka Liibiya Ka Baxay Wadahadaladii Ruushka

Date:

Taliyaha ciidamada mucaaradka dalka Liibiya Khalifa Haftar ayaa ka tagay magaalada Moosko isagoo aan saxiixin heshiis isku day xabad joojinta dagaalada ka socda Liibiya, sida uu sheegay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Ruushka.

Kadib saacado wadaxaajood ay soo qaban qaabiyeen Ruushka iyo Turkiga, Haftar ayaa fiidnimadii shalay laga codsaday inuu fiiriyo heshiiskii ay horay u wada saxiixeen Fayez al-Sarraj, Madaxa dowladda ay aqoonsaday QM.

Ilo wareeedyo laga helay Liibiya ayaa xaqiijiyey bixitaanka Haftar, iyadoo qabyo-qoraalka heshiiskaasi uu diiday ay ka maqan yihiin dalabyo badan oo ciidanka Liibiya ah,” ayuu yiro “Haftar oo u waramay  telefishanka Al Arabiya.

Ma jiro wax horumar ah oo ka soo baxay wadahadallada aan tooska ahayn ee u dhexeeya kooxaha ku dagaallamaya gudaha dalka Liibiya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...