Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Puntland Oo Shaaciyay Xilligga La Tooganaayo Raggii Dilay Caa’isho Ilyaas.

Date:

Xeer-ilaaliyaha Guud ee dawladda Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan ayaa  shaaciyay waqtiga la fullin doono xukunkii dilka ahaa ee maxkamaddaha maamulkaasi ay ku rideen saddexdii nin ee ku eedaysnaa kufsigii  iyo dilka loo geystay Caasho Ilyaas Aadan oo aheyd gabar yar oo 12-sano jir ah.

Xeer-ilaaliyaha guud oo u waramayay warbaahinta ayaa sheegay in xukunka la fulin doono 11-ka bisha labaad ee sanadkaan, gaar ahaan saacadda  marka ay tahay 8:00 subaxnimo, iyadoo  goobta lagu fulin doono ay noqon doonto magaalada Boosaaso.

Saddexda nin ayaa lagu kala Magacaabaa C/fataax C/raxmaan Warsame, C/salaan C/raxmaan Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dige ayaa 12-kii Bishii May ee sanadkii tegay ee 2019-kii  Maxkamadda Gobolka Nugaal ay ku riddey xukun dil ah, iyada oo Maxkamadda Racfaanka ay ku raacday xukunkaas, kadib markii ay racfaan ka qaateen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...