Amiirka Qadar Sheikh Tamim  Oo Booqanaya Iiraan

Date:

Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa maanta oo Axad ah booqanayaa dalka Iran si uu wadahadal ula yeesho masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweyne Hassan Rouhani.

Amiirka ayaa subaxnimadii maanta  ka ambabaxay magaalada Doha ee caasimadda, Isagoo socdaalkiisa ka billaabay dhanka caasimada Cumaan ee Muscat, si uu uga tacsiyadeeyo geerida Sultan Qaboos bin Saciid, isagoo ka dib u socdaali doona Iiraan, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Qadar.

Booqashada Amiirka ee Tehraan ayaa timid xilli ay jiraan xiisado kacsan oo ka taagan Khaliijka kadib dilkii Mareykanku ku dilay Qassem Soleimani  oo ahaa taliyihii ugu sareeyay Iran ee Baqdaad iyo sidoo kale gantaal aargoosi ah oo Iran ay ku beegsatay bartilmaameedyada Mareykanka ee Ciraaq.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...