Midowga Afrika & QM Oo Tababar Ufidinaya 300 Oo Askari Oo Kamid Noqonaya Ciidamada Daraawiishta Heer Federaal.

Date:

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, AMISOM, Midowga Yurub iyo QM ayaa sheegay in ay billaabeen tababar gaar ah oo la siinayo 300 askari oo Booliis ah kuwaasi oo kamid noqonaya kuwa booliiska Daraawiishta ee dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ah cutub loo tababaray xirfado gaar ah oo ku aadan suggidda amniga dalka.

Augustine Magnus Kailie, Oo ah Taliyaha Booliiska Amisom ayaa sheegay in tababarkan uu yahay mid muhiim u ah wax ka bedelka muuqaalka Xoogaga Ciidamada Booliiska ee Soomaaliya (SPF) in ay yeeshaan awood ay ku illaalin karaan amniga dadka Soomaaliyeed.

Bayaan ayaa ku sheegay bayaan ay soo saartay Amisom lagu sheegay “Marka aan caawinayno, inaan dhigno awoodda waa inaad u istaagtaa diyaarna u noqotaa si aad u aragto sida wanaagsan oo wax looga bedeli karo waayo aragnimadii hore lana taageero waxaad kuusoo baxaya oo aad helaysaa sida kuwa Daraawiishta gaarka ah oo kale, si aad u difaacdo dadka Soomaaliyeed,”

Tababarka ayaa waxaa fulinaya barnaamijka wadajirka booliiska ee Amisom, Midowga Yurub iyo QM.

Barnaamijka wadajirka ah ee ciidamada booliiska oo ah mid soo socday muddo shan sano ah ayaa lagu taageerayay si loo sii kordhiyo awoodda muuqaal ee joogista iyo tan la xisaabtanka hirgelinta habka cusub ee boliiseeynta ee Ciidamada booliiska ee Soomaaliya ee dowladda Federaalka iyo gobollada xubnaha ka ah ee maamul gobolleedyada.

Cabdi Xassan Maxamed, oo ah taliye ka tirsan saraakiisha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay dowladda ku dhaqaaqday sidii ay kusoo nooleyn lahayd Qeybta Gaarka ah ee Ciidamada Booliiska Daraawiishta iyadoo loo qorayo askar baaxad leh lana siinayo tababar cusub inta lagu gudo jiro sanadkan 2020.

“Dhammaadka tababarkan, ciidamada gaarka ah ee booliiska waxaa kamid ah kuwa Haramcadka, Daraawiishta iyo kuwa Birmad-ka ayaa waxa ay noqon doonaan kuwa si buuxda loo qalabeeyo iyadoo awoodoodana laysu geyn doono  waxaana ay matali doonaan xoogga ugu muhiimsan oo illaalin kara xarumaha dadweynaha”, sidaasi waxaa sheegay Cabdi Xasan Maxamed oo hadalkan jeediyay xilligii furitaanka xafladdan oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

Dhammaadka tababarka, Qeybta Ciidamada booliiska ayaa lagu biirin doonaa xoogga ciidamada booliiska waxaana loo daadgureyn doonaa dhammaan maamul gobolleedyada xubinta ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...